
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya (CXD) ayaa howl-gallo lagu xaqiinayo amniga waxa ay ka sameeyeen deegaannada Qalimow iyo Ceel-Geelow oo ku yaallaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Howl-gallada oo qayb ka ah xaqiijinta halbeegyada tubta amniga iyo caddaaladda iyo qorshaha baacsiga kooxaha argagaxisada ah ayaa si nabad ah ku dhacay, waxaana deegaannadaas ku xeeran waddada ku sugnaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Ciidanka howl galka fuliyay oo qayb ka ah ciidamada loo qorsheeyay in ay goballada Shabeellooyinka ay ka saaraan Al-Shabaab, ayaa waxa ay saldhigyo waawayn ka samaysteen deegaannada Qalimow iyo Ceel-Geelow.
CXD oo wada howl-gallo is-daba joog ah oo lagu dardar-gelinayo qorshaha xasilinta dalka ayaa waxa ay maalmo ka hor xoreeyeen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Wadada xiriira Magaalooyinka Jowhar iyto Balcad ayaa waxaa tira ka dhowr heer ah weeraro ka fuliyey Al-Shabaab,waxaana lagu dilay dad isugu jira Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

39 total views, 1 views today