Deg Deg: Alshabab Oo Canshuur Ku Soo Rogtay Dumarka Uurka Leh

Ururka Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay inay bilaabeen canshuur yaab leh oo ay ka qaadayaan haweenka Uurka leh iyo caruurta ay dhalaan, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda ee gobolka Gedo.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya Sheikh Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo la hadlay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Al Shabaab ay canshuur yaab leh ku soo rogeen haweenka Uurka leh.

Haweenka ku sugan deegaanada ay maamulaan ayuu sheegay in canshuurtaasi lagu soo kordhiyay, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay culees kale oo lagu kordhiyay haweenka Soomaaliyeed.

“Waxay bilaabeen inay dadka Muslimiinta lacag ka qaadaan, Tusaalaha xoolaha Nool way canshuureen, guryaha way canshuureen, waxaa ka daran, haweenka ayay canshuuraan marka ay wiil dhasho waa 100 doolar marka ay gabar dhashana waa 50 ayaa laga rabaa”

“Iyagii ayaa hadda isku qabsaday xiisada arimahaasi ka dhalatay qaarkood ayaa isku eedeynaya inay daacish yihiin, dhibaato ayaa ka dhex taagan, culeeskaasi darteed dad badan ayaa kasoo cararay deegaanada ay maamulaan Al Shabaab”ayuu yiri Al-qaadi.

Marka laga yimaado hadalka guddoomiye ku xigeenka Gedo, ma jirto war rasmi ah oo Al Shabaab kasoo baxay oo ay kaga jawaabayaan arintaasi.

AL -Qaacida ayaa sidoo kale Al Shabaab ku eedeeyay inay canshuur ka qaadaan xoolaha nool, isagoo sheegay in neefta ariga ah laga qaado 2 Doolar, sida uu hadalka u dhigay.

Dadka qaarkood oo u adkeysan waayay culeeskaasi ayuu sheegay inay bilaabeen inay ka cararaan deegaanada ay maamulaan Al Shabaab.