600 Dawlada Miyaa leh awooda sharci-dejinta dalka? Mise dowlad goboleedyada? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Dawlada Miyaa leh awooda sharci-dejinta dalka? Mise dowlad goboleedyada?

‘Haddii kariyaashu bataan lama cuno cunto macaan”.

Dadka Somaaliyeed ayaa mudo laba sano ah ka sugayey Xukuumada Federaalka in ay soo bandhigto Shuruucda iyo Qorshaha Doorashada 2020 iyo Qabyo-tirka Dastuurka!

Shalay markii uu Golaha Wasiirada Federaalku ansixiyey Sharciga Doorashada iyo Xizbiyada ayey soo dhaweeyeen dadka Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, kuna bogaadiyeen Xukuumadda, dadka oo rumeeyey in la gaaray xilligii laga gudbi lahaa 4.5, Dastuur Qabyo ah, Xizbiyo la’aan, ku meel-gaar, kala qebsanaan maamul iwm, lana gaaray xilligii la dooran-lahaa hoggaan ku dhisan matalaadda shacabka! Nasiib darro waxaa isla shalay soo baxay diidmo maamulada Puntland iyo Jubbaland?

Hadaba waxaa is weydiin mudan su’aalahaan;

1. Yey matalaan Golayaasha Federaalka ee Waziirada, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare? Miyeysan ka imaan Gobalada oo aysan matalin?

2. Sharcigii ay soo saaraan Golayaasha Federaalku ma diidi karaan ama burin karaan Golayaasha Gobaladu?

3. Go’aanada masiiriga ee dalka! Ma Golayaasha Federaalka ayaa leh? Mise Golayaasha Gobalada? Mise waa wada leeyihiin?

4. Ma ka jiraan Adduunka Golayaal ka wada tirsan hal dawlad iskuna wada awood ah?

5. Haddii Gobalada kale ee dalka iyo dadka intiisa badan ay rabaan doorasho 2020, ka guurid nidaamka 4.5, u guurid Xizbiyo badan! Maxey diidanyihiin Puntlan iyo Jubbaland?

6. Haddii talada doorashada 2020 loo wada qeybiyo Golayaasha Federaalka, Gobalada iyo Xizbiyada Siyaasadda! Mudada dhimana ay tahay Sanad iyo Bar kaliya! Gorrmee la gaarayaa Go’aanno mid ah iyo wada raali-noqosho? Sideesa looga gudbayaa oraahda ah: “looma-dhama”?

“Wixii hooyo u dan ah ayaa caruurta u dan ah” Wixii Federaalka u dan ah ayaa Gobalada u dan ah ee yaan la dhicisayn rajada iyo himilada dadka!

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...