Daawo:See Madaxweynaha Koonfur Galbeed Loogu Soodhaweeyay Garoowe,

Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa Goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen)

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Garoonka Diyaaradaha Magalada Garoowe waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Maanta tegay Garoowe ayaa qeyb ka ah Madax ka socota dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo berri Shir Wadatashi ah uu uga furmayo Magalada Garoowe.

Gelinka dambe ee Maanta ayaa sidoo kale la filayaa in Magalada Garoowe uu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madax ka tirsan Dowlad Goboleedyada