600 Dib u dhaca ku yimid shirkii madaxda DF iyo maamul goboleedyada | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Dib u dhaca ku yimid shirkii madaxda DF iyo maamul goboleedyada

Wafdi hordhac ah oo ka socda dowladda Soomaaliya aya gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaasi oo dhawan uu ka furmo doono shir u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya inuu maanta dib u dhac uu ku yimid shir la filayay inuu ka furmo magaaladaasi, kaasi oo u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirkaasi uu furmi doono maalinta Sabtida ah, sida xogaha aan heleyno, iyadoo wafdiga dowladda ee gaaray Garowe ay kulamo hordhac ah la qaateen madaxda Puntland.

Shalay Magalada Garoowe waxaa tegay wufuud horudhac ah oo ka kala socda Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha, waxaana sidoo kale socda wadatashiyo ay sameynayaan Madaxda dalka oo ku aadan qorshaha ay shirkaasi la tegayaan.

Madaxda maamul goboleedyada ayaanan dhankooda tagin magaalada Garowe, waxaana la filayaa inay qaarkood tagaan maalinta beri ah, sida wararka aan heleyno ay sheegayaan.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saareysa Madaxda ugu sareysa dalka inay shirkaasi ka qeyb galaan, xilli ay jirtay in dhowr mar Madaxweyne Farmaajo shir wadatashi ah uu ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ka baaqsadeen.

Shirkaasi ayaa qorshaha waxa uu yahay in lagu xaliyo tabashada ay qabaan madaxda dowlad goboleedyada.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...