Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21
DAAWO:Beelaha Bahrarsame iyo Cumar Maxmuud Oo Kulan Ku yeeshay Burtinle.
Waxaa lasoo gebagebeeyay Heshiisiinta Beelaha Cumar Maxamuud iyo Bahararsame oo muddo dirir ka dhexeysay, kulanka Maanta oo ka dhacay Burtinle wuxuu ahaa Wejigii Saddexaad ee Arrintan looga hadlayo.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxaa ka Qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Caafimaadka ee Puntland, Hogaan dhaqan oo beelaha nabadeynta waday ka socda iyo hogaan dhaqan oo beelaha diriray ka socday.
Waxgaradka Labada dhinac ayaa sheegay inuu Dhaqan galay Heshiisyadii Nabadda ee la wada gaadhay,
“Waxaynu ku Noolaan Karnaa, Wiilka yar ee wax sameeya ( Dilka gaysta) in lasoo Qabto oo la Qisaaso [Dilo] Taasi oo Nolol ah.”
Heshiiska Nabadda ee Labada Beellood la dhex dhex dhigay ayaa soo Maray Wejiyo badan, Wuxuuna hada marayaa in MAGTA intii ugu dambaysa la kala qaato.
Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa door wayn ku lahaa inuu Heshiiskaasi Nabaddu Midho-dhal sameeyo.

Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86
Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.