Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21
Ciidamada Israel oo weeraray Magalada Gaza
Israel ayaa maanta sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay xalay weerareen dhisme miltari oo kooxda Xamas ay ku leedahay Marinka Gaza kadib markii buufinno sida bambooyin gacmo ku sameys ah looga soo weeraray.
Kadib weerarkaas, ayaa ciidamada Israel waxay sheegeen in laba gantaal looga soo tuuray Marinka Gaza, kuwaas oo qal-qal ka abuuray koonfurta Israel.
Illaa hadda lama yaqaan halka ay gantaaladaas ku dhaceen iyo inay khasaare sababeen.
Ilo-wareedyo amni ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in duqeymaha Israel ay ku dhaceen dhisme garabka hubeysan ee kooxda Xamas ku leeyihiin ay waqooyiga Gaza.
Wararka ayaa sheegaya inuusan jirin wax khasaare nafeed ah, balse uu burbur gaaray dhismaha.
Dhacdooyibnkii ugu dambeeyey ayaa imanaya ayada oo Israel iyo Xamas ay 9-kii April gaareen xabad joojin ay dhex-dhexaadiyeen Masar iyo QM, taasi oo dib usoo celisay degenaanshihii.
Israel iyo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa waxaa tan iyo sanadii 2008 dhex-maray saddex dagaal oo waa weyn.

Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86
Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.