Deg Deg:Raysal Wasaare Khayre Oo Magacaabay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya,

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow si degdeg ah u magacaabay xilka Wasiirka Warfaafinta, taasoo saacado ka hor uu iska casilay Daahir Maxamuud Geelle.

Xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii Ganacsiga oo dhawaan xilkaan loo dhiibay.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa loo Magacaabey Cabdullaahi Cali Xasan.

Waxana tani ay kusoo aadeysaa xilli saacado uun ay kasoo wareegtay markii uu xilka iska casiley Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa horay xilkaan mar horey u soo qabtay,waxaana hadda uu ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

 45 total views,  1 views today