600 Deg Deg::Madaxda maamul goboleedyadda oo ku wajahan Garowe | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::Madaxda maamul goboleedyadda oo ku wajahan Garowe

Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ay gaaraan qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda, halkaasi oo uu ka furmi doono Shirweyne looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya.

Madaxda  Galmudug, Jubbaland ayaa la xaqiijiyay in ay maanta tagayaan Magaalada Garowe, waxaana Garowe ka socota soo dhaweynta Madaxda maamul goboleedyadda iyo sidoo kale haddii ay taggaan xubno ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya, Maadaama lagu casuumay.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa shirkaan ku casuumay Madaxda dowladda Federaalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Maamul goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda dhexe ee Soomaaliya ee ah in ay ka qeyb galayaan Shirka berri ka furmaya Magaalada Garowe.

Shirka Berri ka furmaya Magaalada Garowe ayaa ku soo aadaya, xilli uu dib u dhacay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Apriil ka dhici lahaa Muqdisho, sidoo kale waxaa baaqday shirkii horay loogu balamay inuu ka dhaco Garowe bisha Maarso, kaasoo lagu dhawaaqay xilligii caleema saarka Madaxweynaha Puntland

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...