Deg Deg:Masuul Reer SSC Ah Oo Ku Dhitay Duleedka Xudun.

Laascaanood{Khaatumonews}Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil Gaadhi oo ka dhacay Duleedka Degmadda Xudun ee Gobolka Sool, Kaasi oo gaystay Khasaare Isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Shilkan ayaa la Xaqiijiyey inuu ku Geeriyooday Faysal Cali Mas oo kamid ahaa Siyaasiyiinta Deegaanada SSC, Islamarkaana ku sugnaa inta badan dalka imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kae shilkan gaadhi ku egeeriyooday Nin kale oo lagu magacaabo Timo Jilic Cismaan Cumar, Waxaana uu dhaawac kasoo gaadhay Shilkaasi Siciid Ibraahim Budhyar.

Inta badan Wadooyinka dalka oo aan ahayn Kuwa tayyo Fiican ayaa sababa Shilal joogto ah oo ka dhaca guud ahaan Gobolada dalka, Waxaana xusid mudan in Qofkasta Halka uu Xaqqu ugu yimaado uu ku dhiman doono.