
Madaxwaynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Shir Jaraaid ku Qabtay magaalada Garoowe ayaa hadlay Arimaha Siyaasada Soomaaliya, Xidhiidh Federaalka iyo Puntland, Tabashooyinka ay Puntland ka qabto dowlada dhexe iyo Aragti Siyaasadeed ee uu arko in xal lagu gaadhi karo Islamarkaana looga bixi karo ismari waaga siyaasadeed.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Deni oo kasoo Laabtay Imaaraadka iyo Kenya ayaa sheegay iney Puntland Walwal ka qabto Marxaladda uu dalku ku socdo, isagoo ku eedeeyay Madaxda dowladda fedaraalka ah iney ka soo horjeedaan nidaamka Fedaraalka.
Isagoo ka hadlayey Kulamadii Nairobi ayuu sheegay in isaga iyo Madaxda dowlad goboleedyada, Wakiiladii beesha Caalamka ee ay kula kulmeen Nairobi ay si aan gabasho laheyn ogala hadleen Xaaladda Dhabta ah ee dalka.
Isagoo sii wada Dhaliilaha uu Dawladda dhexe u jeediyey wuxuu sheegay in DF Soomaaliya ku fashilantay amniga waddada Makka-almukarama marka laga soo tago guud ahaan Muqdisho.
Siciid Deni waxaa kale oo uu sheegay in qofka noqonaya guddoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya ay saami ahaan u lahaayeen dadka kasoo jeeda Puntland, balse dawladda Soomaaliya ay cidkale siisay Taasi oo ka dhigan inuu kasoo Horjeedo Gudoomiyaha Bankiga oo kasoo jeeda Burco,
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in Labada bisha soo socota ee May shir ay ka qeybgalayaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxda Dowladda fedraalka ah uu ka dhici doono Garowe.

48 total views, 1 views today