Deg Deg:Beelaha Habar Yoonis Iyo Habar jeclo Mar kale Faraha Dhiig la Galay

Laba qof ayaa ku geeriyooday hal qofna dhaawac culus ayaa soo gaadhay kadib Colaad markale ka soo cusboonaatay deegaanka gobolka Sanaag.

Colaadan ayaa waxay ka bilaabmatay kadib markii nin  ah Habar Yoonis  Muuse Ismaciil Muuse Tuurwaa Ah uu toogtay nin kale oo Habarjeclo Ah Gaar ahaan Jilibka Biciide “Baho” ah, waxaana isla markiiba ka fal celiyay dilkaasi mid ka mid ah beesha wax laga dilay waxaana uu toogay laba qof oo midna qudh baxay halka kalena dhaawaciisu culus yahay.

Deegaanka mashaqadu ka dhacday ayaa wax LA yidhaahdaa Dharin Yaxye