DEG DEG DAAWO:Deni Oo Garoowe Ku Soo Laabtay Iyo Kulan Uu La Qaatay Safiirka Egland ee Somaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar ku joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa haatan ka soo degay caasimadda Puntland ee Garoowe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha aamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Deni ayaa daqiiqado kadib faahfaahin doona safarkiisa dibadda ee uu ku tegay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay madax iyo mas’uuliyiin kala duwan.