600 Deg Deg Daawo::-Xaruntii Barlamaanka Somalia Oo Haawanasa Sababta Daawo | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo::-Xaruntii Barlamaanka Somalia Oo Haawanasa Sababta Daawo

Xafladda Xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif Maanta Muqdisho ku Qabsaday, ayaa la sheegay inay Saamayn ku yeelatay kulankii Baarlamaanka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa kooram la’aan u baaqday, 128 Xildhibaan ayaa soo xaadirtay, balse kuma filnaan inuu kooramka buuxsamo, maadaama laga rabay 139 inuu ku furmo.

Xildhibaan Idiris Dhakhtar oo si adag uga hadlay Arinta dhacday ayaa sheegay in Xildhibaanada ka maqna kulanka ay aadeen Xafladda Daah furka Xisbiga Himilo Qaran oo ka socda Hoolka Sahal ee Muqdisho.

Xildhibaan Dhakhtar ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanku ay Shaqadii loo doortay ka doorteen Mid Khaas ah, Wuxuuna is waydiiyey Xalaalnimada lacagta ay Qaataan ?. “Xildhibaanada Badankoodu waxay jiraan Xaflada lagu Furayo Xisbiga sheikh shariif, Alle ayaan idinku dhaariyee Lacagta waxaan u Qaadanaa shaqadeena, Bal ka waran kuwa ka maqan ee dan Xisbi ku maqan “.

Xildhibaan Idiris Dhakhtar ayaa sidoo kale xusay inay dhaliil wayn leeyihiin Baarlamaanku, oo aan Madaxda sare uun la eedayn Karin markastaba “.Khayre iyo Farmaajo oo keliya lama eedayn Karo, ee Baarlamaanka ayaa eedaysan oo Laba Qaybood u kala Qaybsan, Waa kuwa Wasiiro ah oo Xukuumadda Difaacaya iyo Kuwa Wasiiro Doonaya oo Mucaarid ah, waana Nasiib darro wayn waxaana Jira kuwa badan oo kala Maan ah “

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...