Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa waxa uu Mareykanka ku eedeeyay inuu “iimaan xumo” ku dhaqmay intii uu bilowga sanadkan socday shirkii uu la yeeshay Madaxweyne Donald Trump, sida ay sheegayso Wakaaladda Wararka ee Korean Central.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Waxa kale oo uu sheegay in nabadda gacanka Kuuriya ay gebi ahaanba ku tiirsanaan doonto habdhaqanka mustaqbalka ee Washington.

Mr Kim ayaa hadalladan ka jeediyay shirkii Khamiistii uu Madaxweyna Ruushka Vladimir Putin kula yeeshay magaalada Vladivostok.

Madaxweyne Putin ayaa aqbalay casuumaad ah inuu booqasho ku tago Kuuriyada Waqooyi, waxaa sidaasi ku warrantay KCNA.

Booqashada ayaa dhici doonta “waqtiga ugu macquulsan,” wakaalada wararka ayaa intaasi ku dartay.

Kim Jong-un ayaa lagu soo warramayaa inuu Vladimir Putin u sheegay in “xaaladda gacanka Kuuriya iyo gobolkaba ay haatan cakiran tahay ayna gaartay heer xasaasi ah”.

Waxa uu ka digay in xaaladda “ay sideedii hore ku laaban doonto xilli Mareykanku uu la soo baxay habdhaqan iimaan xumo ah oo u goonni ah” intii ay socdeen wadahadalladii dhawaantan la qabtay.

Hadalkan ayaa imanaya todobaad un kaddib markii Pyongyang ay Mareykanka ku eedaysay inuu xagaldaacinayo wadahadallada nabadda.

Wadahadallada u dhaxeeya labada dal ayaa burburay shirkii Vietnam ee la qabtay bishii Febraayo iyadoon wax heshiis ah laga gaarin hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.