600 War Culus::Ethiopia oo Kenya u balanqaaday inuu saameyn ku yeelan doonin Heshiis Ethiopia iyo Somalia kala saxiixdeen | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Culus::Ethiopia oo Kenya u balanqaaday inuu saameyn ku yeelan doonin Heshiis Ethiopia iyo Somalia kala saxiixdeen

Dowladda Ethiopia ayaa dowladda Kenya u balanqaaday in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin heshiisyada dhanka dekadaha ah ee ay la galeen dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

Meles Alem oo ah danjiraha Ethiopia ee Kenya ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyaga oo ka wada hadlay arimo ay ka mid yihiin heshiisyadii labada dowladood ee dhanka Badda.

Wuxuu u sheegay Kenyatta in heshiisyadii horey ay u wada saxiixdeen labada dowladood aysan waxba iska badali doonin marka loo eego heshiisyada Ethiopia la gashay dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritrea.

Kenya ayaa horey walaac badan kaga muujisay heshiisyadii Ethiopia la gashay dowladda Soomaaliya kaasi oo dhigayay inay maalgashi ku sameyneyso ku dhawaad 4 dekadood oo Soomaaliya ku yaala.

Ethioia waxaa kale oo ay heshiis dhinaca dekadaha ah kula jirtaa dalka Jabuuti oo hadda ah halka ugu weyn ee ay badeecadaha dibadda uga soo degaan Ethiopia, sidoo kale xukuumadda Addis Ababa ayaa maalgashaneysa Dekadda Casab ee Dalka Eritrea.

Ethiopia iyo Kenya ayaa horay ugu heshiisyay dhismaha Dekad laga dhisayo Lamu, taas oo sidoo kale loo sameynayo Waddo Tareen oo Dekaddaas ku xirta Ethiopia, Koofurta Suudaan iyo Rwanda.

Ethiopia ayaa adeegsata dekadaha dowladda Kenya, waxaana Kenya halkaasi ay ka heshaa dhaqaalo badan oo canshuurta kaga soo xaroota.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...