600 Daawo:Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Shirkii Qaahira | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Daawo:Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Shirkii Qaahira

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyay shirka looga hadlayay xaalada dalka Sudan ee shalay ka furmay magaalada Qaahira ee Caasimada dalka Masar.

Halkan ka Akhriso Khudbada Madaxweynaha oo Qoraal ah

Mudane Abdi Fattah El-Sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika,

Mudanayaasha, Madaxweyneyshaasha, iyo Madaxda hoggaaminaysa wufuudda;
Mudane Musa Faqi, Madaxa Koomishinka Midowga Afrika,

Ugu horrayn, waxaan rabaa fursaddan inaan uga faa’idaysto inaan Madaxweyne Abdi Fattah El-Sisi uga mahadceliyo soo dhawayntii diiranayd iyo martisoorkii qurxoonaa ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyey markii aan nimi magaaladan qurxoon ee Qaahira. Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan Madaxweyne El-Sissi uga mahadceliyo qabanqaabada kulankan muhiimka ah ee ku saabsan dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Suudaan.

Maanta waxaan halkan u wada joognaa shir-madaxeedkan wadatashiga ah ee ay isugu yimaaddeen saaxiibbada gobolka kuna saabsan xaaladda Dalka Suudaan oo dhammaanteen, daris ahaan iyo guud ahaan Qaaradda Afrika, muhiim inoo ah.

Xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada Suudaan waxay lagama maarmaan u tahay nabadda iyo amniga qaaradda. Suudaan waxay si gaar ah ugu taallaa quluubta iyo maanka dadka Soomaaliyeed oo waxay taageero la garabtaagnayd nabadda iyo xasilloonida dalkayga.

Aniga oo dareensan doorka ay Jamhuuriyadda Suudaan ku leedahay qaaraddeenna, dowladda Soomaaliyeed waxay taageersan tahay himilooyinka iyo doonista shacabka Suudaan ee ku aaddan nabadda, amniga iyo inay si buuxda u adeegsadaan xuquuqdooda dimuqraadiyadeed. Waxaan ku kalsoonahay qaangaarnimada siyaasadeed iyo xikmadda dadka reer Suudaan, waxaannu aaminsannahay inay heshiis ka gaari doonaan wanaagga dalkooda.

Waxaan tixgelinayaa hadalkii uu jeediyay u qaabbilsanaha Suudaan. Waxaan sidoo kale soo dhawaynayaa warbixintii uu inoo jeediyay Madaxa Midowga Afirka, taasi oo ahayd mid dhammaystiran oo xog rasmi ah xambaarsan kuna saabsan xaaladda haatan ee Suudaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...