Wararka warbaahinta Khaatumonews kasoo gaaraya waxay sheegaya a inay ka haajireen Puntland qoyska marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo 25 Feb 2019 lagu kufsadey,laguna dilay magaalada Gaalkacyo.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Qoyska marxuumad Caasho Ilyaas ayaa wararku sheegayaan inay u safreen dalka Itoobiya islamarkaana baneeyeen hoygoodii magaalada Gaalkacyo ka dib markey gaari nooca xamuulka qaada ay ku daabusheen alaabtoodii iyo dhamaan dadkii ku noolaa hoyga,sida idin ka muuqata sawirka ay heshay KHaatumonews.

Lama yaqaan sababta qoyskan dhibanaha ay uga guureen Puntland balse qoysaska dariska la ahaa hoygooda ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta.

Sawirka warbixinta ka muuqda waa gaariga ay aalkacyo ka rarey qoyska Marxuumad Caasho Ilyaas.