Warbaahinta qaranka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisay in Kim-Jong-un uu mar dhaw u socdaalayo dalka Ruushka si uu kulankiisii ugu horreeyay ula yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Inkastoo aan si rasmi ah loo cayimin maalin go’an haddana aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin ayaa sheegay in kulankaasi uu dhici doono qaybaha dambe ee Abriil.

Kulan kasta oo ay yeeshaan xulafadan hore wuxuu ahmiyad u leeyahay Kuuriyada Waqooyi, ka dib markii ay waxba ka soo naaso caddaan waayeen wadahadalladii bishii Feebaraayo ee Maraykanka uu kula yeeshay magaalada Hanoi.

Labada dhinacba waxay wadahadalka la iman doonaan ajendeyaal kala duwan, kulankan ayaana la filayaa in uu ka dhici doono magaalada bariga ku taalla ee Vladivostok.

Midawgii Soofiyeed ayaa xulafo wayn la ahaa Kuuriyada Waqooyi, wuxuuna la lahaa iskaashi dhaqaale iyo kaalmo uu siin jiray, waxayna kala badalan jireen arrimaha dhaqanka la xiriira.

Balse markii uu burburay Midawgii Soofiyeed calaaqaadkaas ayay waxyeello wayn soo gaartay. Markii ay wiiqantay calaaqaadkii afkaarta ku dhisnaana ma sii jirin sabab si gaar ah gacan qabasho iyo taageero gaar ah loo siiyo Kuuriyada Waqooyi.

Ganacsigii joogtada ahaa ee ay lahaayeenna Kuuriyada Waqooyi ayaa awoodi wayday in ay Ruushka la sii macaamiisho, maadaama oo ay ku adkaatay in ay wax kaga gadato beeca suuqyada caalamka.

Markii Ruushku uu billaabay in uu ka sii fogaado reer Galbeedka horraantii 2000, calaaqaadkii ayaa soo yaraha wanaagsanaaday.

Mosco ayaana is aragtay iyadoo dalal ku taageeraysa “caqliyaddii hore ee ku salaysnayd cadawgaaga cadawgiisu waa saaxiibkaa,” ayuu yiri Andrei Lankov oo bare sare ka ah jaamacadda Kookmin University ee magaalada Seoul.

Kulankii u dambeeyay ee calaaqaad labo geesoodka ah ee Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushku ay yeeshaan wuxuu dhacay 2011, markaas oo Dmitry Medvedev oo madaxweyne ahaa uu la kulmay Kim Jong-il oo ah madaxweynaha Kim hadda talada haya aabihii.

Calaaqaadkooda ayaa khariirad ahaan macno u samaynaya maadaama oo ay wadaagaan xad yar oo aan sidaa uga fogayn magaalo xeebeedka muhiimka ah ee Vladivostok ee Ruushka, halkaas oo ay u badan tahay in labada masuul ay ku kulmaan.

Sida ay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushku sheegtayna dad lagu qiyaasay 8,000 oo ah soo galooti u dhashay dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa ka xoogsada Ruushka, kuwaas oo dhaqaale muhiim ah dib ugu dira dalkooda. Waxaa jira qiyaaso kale oo tiradaas aad ooga badiya.

Sida ay dhigayso cunaqabataynta hadda jirta ee Qaramada Midoobayna, dhammaan shaqaalahaas ayay tahay in dib loogu celiyo dalkooda dhammaadka sannadkan.