dahabshiil

Maxay tahay sababta uu u guursan la’yahay jilaaga caanka ah ee Salman Khan?

Waxaa dad badan oo daawada aflaanta Hindiga aan ka qarsooneyn in jilaaga caanka ah ee Salman Khan uusan guursanin waligiis.

Salman Khan oo ay da’diisu tahay 53 sano, loogana bartay aflaanta Hindiga ee jaceylka iyo dagaalka ku saleysan ayaa su’aasha ugu badan ee la weydiiyay noolashiisa waxaa la sheegay inay ahayd sababta uu u guursan waayay, waxana marar badan su’aashaas weydiiyay warbaahinta dalka Hindiya oo in muddo ah doonayay inay ogaadaan waxa jilaagan ku kalifay in uusan ku dhiiranin in uu guursado.

Hase ahaatee, jawaabtaas ayey dad badan ay u arkeen in Salman uu isaga jeedinayo indaha shacabka iyo taageerayaashiisa, maadaama jilaaga uu kamid yahay jillayaasha ugu hantida badan dalkaas, ayna jirin sabab ku kalifi karta in dhaqaale la’aan uu u guursan waayo.

Bale warbaahinta dalka Hindiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay hadal hayay xog hoose oo ay ka heleen qoyska Salman khan.

Salman waxaa aad loogu yaqaanaa qadarinta uu u hayo qoyskiisa, dhowr jeer oo hore oo uu isku dayay in uu guursado waxa ay la noqon weyday in fursad la noolaasho uu siiyo qofkale oo aan ahayn qoyskiisa, taasi na ay tahay sababta uu u guursan la’yahay”, sidaas waxaa qaar kamid ah warbaahinbta Hindiya u sheegay qof kamid ah qoyska Salman Khan.

Sanadihii dambe waxa soo baxay warar aan la xaqiijin oo sheeegaya in Salman khan uu doonayo in uu guursado gabdho ay kamid yihiin Katrina Kaif iyo Iulia Vantur, balse wararkaas ayaa noqday kuwa xan ah oo kaliya oo aysan waxba ka suurtagelin, waxaana qoyska Salman Khan la sheegay in mar walba ay ku booriyaan in uu guursado, balse isaga uu go’aankaas qaatay.

Qoyskiisa waxay mar walba doonayeen in Salman Khan uu guursado qaar kamid ah gabdhaha ugu caansan dalkaas, balse dantiisa shakhsiga wuxuu mar walba ka hor mariya tan qoyskiisa oo wuxuu jecel yahay in uu la noolaado qoyskiisa, ayna noqdaan qoys boqortooyo ah.”Ayuu raaciyay.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=11931

Posted by on Apr 22 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841