600 Deg Deg Daawo Sawiro:Kenya Oo Marti Galisay Shir Lagu Ma Jaxabinaayo Farmaajo | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Sawiro:Kenya Oo Marti Galisay Shir Lagu Ma Jaxabinaayo Farmaajo

Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay, Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxda qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ayaa shir uga furmay magaalada Nairobi.

Shirkaan oo ka socda Hotelka Pan Afrika ayaa waxaa looga hadlayaa xaalada Siyaasadeed ee dalka uu xilligaan marayo,waxaana Xubnaha ugu caansan ee shirkaas ka dhex muuqday uu ka mid yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Sidoo kale waxaa shirkaasi goobjoog ka ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee  Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa ay isla gorfeyn doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo nidaamka ay dalka ku maamuleyso dowladda Federaalka uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyada oo geba-gabada laga soo saari doono War-murtiyeed

Shirkan ay leeyihiin Siyaasiyiinta ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, iyagoo wakiilada Beesha Caalamka kala hadlaya arrimaha Soomaaliya iyo sidii taageero gaar ah loo siin lahaa maamuladooda, halkii horay loogu soo marsiin jiray dowladda Federaalka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Muqdisho Mucaaradka Oo Ku Baaqay Banan Bax Kale
- Feb 22, 2021
MucaaradkaA Dawlada Federaaalka Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Baaqay Banan Bax Kaa Dhaca Muqdisho https://www.youtube.com/watch?v=4yj_VpyAjwE&t=31s
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ugu Furay Villa Somali Madaxda DF Dawlada Goboleedyad
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Si rasmi Ugu Furmay Vilaa Soomaaliya Shirka Madaxda dawlada Federaalka Soomliya Iyo ...
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...