600 Hogaanka Maamulada Oo Beesha caalamka u gudbiyay Dhaliilaha DF & Labo qodob oo ay ka doonayaan Caalamka, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Hogaanka Maamulada Oo Beesha caalamka u gudbiyay Dhaliilaha DF & Labo qodob oo ay ka doonayaan Caalamka,

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya inay wali socdaan kulamada ay magaaladaasi ku yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka.

Kulamadii ugu dambeeyay ee dhexmaray Beesha caalamka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Taageerada beesha caalamka, arimaha siyaasadda iyo Khilaafka dowladda ayaa ahaa qodobada ugu waaweynaa ee looga hadlayay shirarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxda dowlad goboleedyada ay caalamka dalbadeen Raod Map ku aadan hanaanka doorashada dalka ka dhaceyso dalka sanadka 2020.

Sidoo kale waxay dalbadeen in caalama xiriir toos ah la sameeyaan maamul goboleedyada, maadaama dowladda Soomaaliya ay dhuun qabatay mashaariic badan oo dowlad goboleedyada heli lahaayeen.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaanan weli wax jawaab ah aan ka bixin ama aan ka hadlin kulamada Magalada Nairobi uga socda Madaxda Saddex Maamul goboleed iyo Wakiilada beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya.Khilaaf sii xoogeysanaya ayaa u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana muuqata in markale madaxda maamul goboleedyada ay sameysan karaan isbaheysi ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

Doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka 2020/2021 ayaa u muuqda kuwo hadda dowladda Soomaaliya ay isku koobtay hanaanka loo marayo, waxaana madaxda maamul goboleedyada ay dhaliilsan yihiin inaan laga talo galin hanaanka doorashada dalka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...