Wararka saaka ka imaanaya degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in shalay galab halkaasi lagu dilay taliye urur oo ka tirsan ciidamada Somaliland ee degmadaasi.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Taliyaha oo magaciisa lagu koobay G/dhexe Nayjeeri ayaa sida la xaqiijiyay waxaa dilay askari ka tirsan ciidankiisa oo muran soo kala dhex galay inkastoo aan faahfaahin laga hayn waxa ay ku murmeen.

Askariga oo isku dayay in uu goobta ka baxsado ayaa isna waxaa halkaasi ku toogtay ciidamada kadib rasaas mudda socotay oo ay is weydaarsadeen isaga iyo ciidamadii ceyrsaday.