Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta mucaaradka & madaxda Maamul Goboledyada ee ka aragtida duwan dowladda Federalka Somaliya.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Isaga oo ka hadlaayay Shirka Culimadda ee ka socda Magaalada Muqdisho, ayaa Madaxweyne Farmaajo, waxa uu sheegay dowladda oo Khilaafaad & culees lagu furo in macnaheeda aysan aheyn mucaaradnimo, balse ay tahay dumin dowladnimo.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo sidoo kale Beesha caalamka in loo tago oo lagu dacweeyo dowladda Somaliya, taasi qudheeda inay tahay arrin lagu curyaaminaayo dowladnimada Somaliya, balse aysan aheyn mucaaradnimo.

“Markii laga hadlaayo dowladnimada dhan in geedka jirida loo gooyo oo loo diido xasilooni, oo la bilaabo waxyaabaha aan naqaano oo qalalaase Siyaasadeed & Khilaafaad oo laga hadlo dowladda oo dhan in la bedelo oo loo tago Beesha caalamka oo lagu dacweeyo, taasi waxa weeye dumin ee ma’ahan Mucaarad iyada lafteeda waa caqabadaha na haysta.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sida muuqata Madaxweyne Farmaajo ayaa u dulqaadan la’ culeesaadka Siyaasadeed ee Xubnaha Mucaaradka ay ku hayaan Madaxweynaha Somaliya, maadaama xilligan dowladda ay dareemayso qal qal siyaasadeed oo ballaaran.