Siciid Cabdullaahi DeniI  Madaxweynaha maamulka Puntland oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta,  ayaa soo gaadhay magaalada Nairobi ,  Iyadoo lagu sheegay inuu yahay shir uu la yeelan doono Wakiilada Beesha Caalamka iyo shir gaar ah oo dhex mari doona Madaxda maamulada Jubbaland iyo Galmudug oo horay ugu Sugnaa Nairobi.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Waxaa lagu wadaa in Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland uu maanta shir gaar ah yeeshaan waxaa ay sidoo kale wadajir ula kulmi doonaan Wakiilada Beesha Caalamka iyo waxa loogu yeero deeq bixiyeyaasha.

Maamuladan ayaa dadaal ugu jira sidii ay taageero toos ah uga heli lahaayeen Beesha Caalamka oo dhowaan ku dhawaaqday inay dib u soo cusbooneysiineyso barnaamijkii la macaamilka maamulada, oo horay dowladda iyo maamul goboleedyada si gaar ah loola macaamili jiray.

Khilaafka ragaadiyay dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ayaa sabab u noqday in dowladdu hakiso mashaariicdii horumarinta, maadaama Beesha Caalamka ay dowladda Federaalka soo marsiin jirtay mashaariicda horumarineed iyo taageerada dhaqaale ee loogu tala galay Gobolada, Kadib markii ay Maamuladu soo celin waayeen Xisaab celin.

Madaxda maamulada ee ku Sugan Nairobi ayaa kusoo aadaysa, Xili uu dhib u dhacay Shirka Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo lagu waday inuu 19 April ka furmo magaalada Muqdisho .