Deg Deg:Labo Haween ah U xidhan maamulka SNM iyo Baaq Loo Diray Dawladaha somalia iyo Canada,

Mid ka mid ah Hooyada dhashay labada haween ee u xiran Maamulka Somaliland ayaa ka codsatay Dowladaha Somalia iyo Kanada inay taageero ka geystaan sidii loo sii dayn lahaa labadaas Haween.

Maymuuna Cabdi oo 28-jir ah iyo Kariima Watts oo 23-jir ah waxaa la sheegay inay Boliska Somaliland ku xireen magaalladda Hargeysa bishii Janaayo ee sannadkan.

Haweenkaasi ayaa lagu soo oogay inay cabayeen Khamri,

Labada Haween waxay beeniyeen Eedeyntaasi, iyago osheegay inay yihiin dad aan wax dembi ah gelin, waxayna ku xiran yihiin Saldhigga Boliska Ibraahim Koodbuur oo ku yaalla magaalladda Hargeysa.

Labadaa Haween waxaa la sheegay inay u soo socdaaleen Somaliland, si ay u caawiyaan qoysaska, kana taageeraan haweenka Maxaaliga ee wajahayo tacadiyadda.

Hooyo Fahiima Xasan oo dhashay Maymuun Cabid waxay ku boorisay Dowladda Kanada inay xiriir la sameeyaan xubnaha Maamulka Somaliland, kuna qanciyaan in la sii daayo haweenkaasi..