Deg Deg Daawo:War Culus Ka Oo Soo Kordhay Wariye Coldoon Oo Saaka Maxkamad Lasoo taagay,

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta lasoo taagey maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa, hase ahaatee guddoomiyaha maxkamadda ayaa ciidankii soo qabtay ku yidhi dib ugu celiya gobolkiisii Togdheer – sida u sheegay Garyaqaanka u dodaayay Caldoonm.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex waxaa uu ciidanka waydiiyay in ay haystaan waaran qabasho an, waxayna sheegeen in aanay haysan.

Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu ciidankii soo qabtay Wariye Coldoon ku amray in ay goob caafimaad geeyaan maadaama dhaawacyo kala duwan ay soo gaadheen.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa dhowaan lagu Xidhay magaalada Burco, Waxaana Markiiba loosoo gudbiyey magaalada Hargeisa, Iyadoona la sheegay in loo gaystay Jidhdil kala duwan.