Barigii la aasaasayey Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood ayaan waxaan safar shaqo ku weheliyey guddi loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan halka ku habboon ee Jaamacada laga furi karo deegaanka gobolka Sool, xilligaas oo waxbarashada gobolka hormuud u ahaayeen Askar iyo Maxamed Buraale Ilaahay labadoodba hawnaxriistee.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Ujeedaduna waxay ahayd in ardayda dugsiyada sare ee gobolka ka baxda ee aan awooda u helin In ay meel kale safar u galaan in baahidooda la daboolo.
Laba goobood ayaa la doonay in daraasad lagu sameeyo goobta ku habboon in Jaamacad laga hirgaliyo, magaalada Laascaanood iyo magaalada Boocame ayaa la kala dooranayey, waxaan markaa ka mid ahaa guddi loo saaray in ay soo qiimeeyeen magaalada Boocame oo ay dad badani aaminsanaayeen In dhisme weyn oo xilligii dawladda kacaanka laga dhisay Boocame oo wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ay ugu talo gashay in lagu barto cilmiga beeraha iyo xaanaynta xoolaha in halkaas laga dhigo xarunta Jaamacadda.
Waxaa halkaa aanu ugu tagnay xarun waxbarasho oo aad u baaxad weyn oo isugu jirta goob waxbarasho iyo hurdo oo loogu talo galay ardayda wax ka baran doonta, hasa yeeshee aad u dayacan oo u baahan dayactir dhaqaale badani ku baxayo.
Warbixintii waxay isugu soo biyo shubatay in ardaydu Laascaanood ku badan tahay, Boocamena ka fogtahay, goobta la doonayo in wax lagu bartaana ay u baahan tahay dayactir aad u xoogan.
Jaamacaddii waxaa laga furay Laascaanood 2004tii, waxaana hormuudkii ugu hureeyey noqday Cabdikariin Cali Jaamac, Hormuudkii labaadna wuxuu noqday Cabdiraxmaan Xaaji Saalax, kii sadexaadna ilaa maanta hayana wuxuu noqday Cabdirisaaq Lafoole, oo isagu Hadda haya xilkaasi muddo ku dhaw 10 sano.
Jaamacadda Nugaal xilligaas horumar weyn ayey gaadhay laakiin dhammaan waxaa ku hoos nabnaa waxaana waanu ku siinaynaa waxaana waad noo qabanaysaa, dhismaha Jaamacadda xilligii bulshadu kumay qanacsanayn in qaab heshiis siyaaasadeed lagu raadiyo waxay bulshaddii hormuudka ka ahayd waxbarashada deegaanku aaminsanayeen in ay intan hadda ay tahay in ka weyn ay dhisan karaan, hasa yeeshee qaabkii Boodhka Jaamacadda gacanta ku hayey oo hal midab lahaa ay hawlaha u maareeyeen ayaa keenay in ay maanta Jaamacadda Nugaal noqoto goob guur siyaasadeed lagu maareeyo , lacagtan hoo anna waxaan doonayo ii qabo, wax kasta oo uu maamulku doonayo in uu Laascaanood ka fuliyo wuxuu hadda u soo dhexmaraa Jaamacadda Nugaal oo noqotay xarunta ururka Kulmiye ee magaalada Laascaanood.
Magaalada hoolal waaweyn oo shirar lagu qabsan karo wey ka buuxaan hasayeeshee maamulka “Somaliland” ogaan ayuu mashruucyada siyaasadeed uga fushadaa xarunta Jaamacadda Sidee ayaanu uga fushan waa goob uu maalgashadaye isla markaana gunnada joogtada ahi kaga xidhan tahay hawlaha hadba looga baahdo iyo siday u fuliyaan, waa xarun waxbarashadii laga kaxeeyey laguna ladhay siyaasad iyo arrimaha markaasi deegaanka laga fushanayo, siminaarkasta iyo mashruuc kastana waa goobta lagu fuliyo.
Dastuurka lagu qaybiyey Jaamacadda Nugaal isla markaana siminaarka loogu qabtay dhalinyarada waxay ahayd mid aan sharci ahayn marka loo eego Dastuurkii 1961 dalka Soomaaliya oo dhan looga codeeyey, marka aynu doodaha dastuurada is dhinac dhigno wayse muuqataa in waraaqo hadalo laga soo minguuriyey dastuuro bulshada loo qaybiyey mashruucna lagu fushaday.
