Deg Deg::Puntland Oo War Ka Soo Saartay Sahaminta Shidaalka ee Dawladda Soomaaliya wado,

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dowlada Puntland ayaa waxay war kasoo saartay shirarka looga hadlayo shidaalka iyo kheyraadka dalka Soomaaliya.

Sidda ku cad war-saxaafadeed ku taariikheysan 14-ka bishaan April, ma jirto cid ay Puntland u wakiilatay ka qaybgalka shirarkaasi.

“Cid alaale cidii daneenaysay arrimahaasi waxay lasoo xiriiri kartaa wasaaradatan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa si toos ah loogu diray wasaarada shidaalka heer federaal iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka ah, Xaan Cali Khayr,

Hadalka kasoo yeeray wasaarada ayaa imaanaya iyada oo Madaxwayne Deni uu horey uga dhawaajiyay in aysan jirin cid Puntland wakiil uga ah arrimaheeda gaarka ah.

Si lamid ah waxaa bayaankaan uu imaanaya xili bishii Febraayo ee sanadkaan magaalada London lagu qabtay shir looga hadlay shidaalka Soomaaliya.

Shirkaasi oo lagu soo bandhigay xirmooyin shidaal ayaa dhaliyay xiisad ka dhex qarxday Muqdisho iyo Nairobi oo ahayd in lagu xaraashay saliid ku jirta dhul badeed ay Soomaaliya leedahay balse ay Kenya muran gelinayso.

Intaasi waxaa wehlisa in xukuumada Khayre ay ic-laamisay in shirar kale oo looga hadlayo shidaalka Soomaaliya ay ku qabaneyso bilooyinka soo aadan magaalada Istanbul ee caasimadda wadanka Turkiga.