600 Deg Deg:Diyaarado duqeeyey meel u dhow HARGEYSA | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Diyaarado duqeeyey meel u dhow HARGEYSA

Maamulka Somaliland  ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay Diyaarado dagaal oo dhowaan bambooyin iyo waxyaabo kale oo qarxa ku tuurey deegaano katirsan degmada Salaxlay, oo qiyaastii magaalada Hargeysa u jirta 50-KM.

Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland, Yaasiin X.Maxamud Faratoon ayaa sheegay inay xukuumadoodu baaritaan ku wado arrintan diyaaradaha, isagoona ka dhawaajiyey ineyna marnaba raali ka aheyn Somaliland in xadkeeda lagu soo xad-gudbo.

“Dowladdu marnaba raali kama ah, cid cadaw ah, ama cid kasta oo dalkeeda iyo dadkeeba ku soo xad gudba, Dowladduna diyaar uma ah cid cadaw ah oo diyaarado wata ama hub iyo wax kale ku soo daadiya dalkeena, Dowlad iyo Shacabna raali kama nihin in xadkeena lagu soo xad gudbo” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Wixii aynu ka qaban karnaan waa laga qabanayaa, arimahan oo kalena dalka hore wey uga dhac-dhaceen, diyaaradahan cid wadaa iyo ujeedada laga leeyahayna lama fahansana, laakiin Dowlad ahaan arrintan waanu hubineynaa, oo waanu baareynaa siday wax u dhaceen”

Marka ay wax dhacaan waa la buun-buuniyaa, laakiin diyaaradahani haddii ay ka yimaadan wadamada aanu jaarka nahay, iyo haddii ay ka yimaadan baddahaba, marnaba raali kama nihin in lagu soo xad gudbo Baddeena, Dhulkeena iyo Hawadeenaba”.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...