Muqdisho{ Khaatumonews }Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa halis ugu jiro inuu waayo Dhalashada dhanka Mareykanka kadib go’aan xasaasi ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay amar xasaasi ah oo ku socdo muwaadiniinta dalkaas u dhashay ee wadamada kale ka hayo xilalka Siyaasadeed ee saameynta leh.
Amarka kasoo baxay Wasaaradda ayaa ah mid lagu caddeynayo Shuruucda dalkaas u taal, waxayna wasaaradda sheegtay inay macquul tahay in qofkaas lumiyo Dhalashada dalka Mareykanka.
Amarkaan ayaa qabanaya muwaadiniinta Mareykanka ee u tartamay ama loo dhaariyey xilal kale oo ay ka qabtaan Wadamo kale.
Dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaamatay In muwaadiniinteeda ay u tartamaan xilal wadamo kale ay tahay mid sharci darro ah oo aan marnaba waafaqsaneyn shuruucda u taal dalka Mareykanka.
“ Sharciyo Caalami ah ayaa ka dhallan doono arrimaha la xidhiidha Dadka Mareykanka u dhashay ee waqtigaan madaxweynaha ka ah dal kale ama hayo xil Wasiir Arrimo debadeed, waxayna taas keeni doontaa Su’aalo adag, waxayna Wasaaradda Arrimaha Debadda Mareykanka u eegi doontaa si gooni ah” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay Wasaaradda oo lagu daabacay Bogga rasmiga ah.
Sharcigaan ayaan qaban doonin muwadiniinta u dhashay Mareykanka ee Shaqooyinka u raadsado wadamada kale sida ay sheegtay Wasaaradda balse dadka uu sharcigaan qabanayo ayaa ah kuwa xilalka siyaasadeed ee saameynta leh ka qabto wadamo kale.
“Haddii muwaadiniin Maraykan ah loo shaqaaleysiiyo jagooyin sare oo siyaasadeed, wasaaradda arramaha dibedda waxay weydiin doontaa muwaadiniintaas inay doonayaan in jinsiyadda Maraykanka ay sii haystaan iyo in kale, marka ay dadka noocaas ah aqbalayaan inay jagooyin muhiim ah ka qabtaan waddamo kale. Qofku haddii uu doonayo in uu sii haysto jinsiyadda Maraykanka waa inuu sidaa u caddeeyaa wasaaradda arrimaha dibedda. Qofka haddii uu doonayo inuu ka noqdo muwaadinimadiisa Maraykanka waa in uu raacaa tallaabooyinka laga doonayo”. Ayaa la raaciyay.
Arrintaan ayaa qaban doonta Madaxweyne Farmaajo haddii uu doonayo inuu tago dalka Mareykanka maadaama uu heysto Dhalashada Dalka Mareykanka.
“Qofka haddii uu dal kale ka hayo jagada madaxweynaha ama wasiirka arrimaha dibedda, waxay saameyn ku yeelan doontaa xasaanadda uu Maraykanka siiyo dadka haysto labada dhalasho.”Ayay sii raacisay dowladda Mareykanka.
