600 Deg Deg:Cabdilaahi Dool Oo Ka Cararay Soomaaliya iyo Waraysi uu Siiyay Warbaahinta Yuhuuda, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Cabdilaahi Dool Oo Ka Cararay Soomaaliya iyo Waraysi uu Siiyay Warbaahinta Yuhuuda,

Cabdullaahi Dool oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, kaasi oo la ceyriyey markii uu taageeray in Soomaaliya ay xiriir la yeelato Israel, ayaa sheegay inuu Soomaaliya ka cararay isaga oo naftiisa u baqaya.

Wareysi uu siiyey wargeyska Times of Israel ayuu ku sheegay in weli uu aaminsan yahay xiriir dhex mara Soomaaliya iyo Israel, wuxuuna dalbaday in dowladda Soomaaliya ay cudur-daar ka bixiso cayrintiisa.

Waxaan aad u taageerayaa in dalkayga uu xiriir diblomaasiyadeed la yeesho Israel. Waxaan ogahay in dad badan ay sidoo kale arrintan ila qabaan. Waxay sidoo oo kale is-weydiinayaan waxa ay waqti badan u qaadatay” ayuu Cabdullaahi Dool ku yiri wareysiga uu siiyey wargeyska kasoo baxa Israel.

Wareysigan ayaa sida la sheegay lagu qaaday WhatsApp iyo Email ayada oo aan la sheegin halka uu joogo Cabdullaahi Dool, sababo amni dartood.

“Israel waxay saameyn weyn ku leedahay gobolka iyo caalamka” ayuu yiri Cabdullaahi Dool, oo ahaan jiray agaasimada wasaaradda arrimaha dibedda.

Waxaan rumeysanahay in xiriir lala yeesho Israel ay dan u tahay labada dal. Mid ka mid ah sababaha aan u doonayo in xiriir uu na dhex-maro anaga iyo Israel ayaa ah inay naga caawin karto la-dagaalanka argagixisada” ayuu yiri Cabdullaahi Dool.

“Waxay ahayd arrin soo daahday. Aas-aaska xiriir diblomaasi oo dhex mara labada dhinac, cidna dhib uma gaysanayso, balse waxay sare u qaadaysaa nabadda iyo wada-shaqeynta” ayuu yiri Cabdullaahi Dool.

“Waxaan rumeysanahay in Israel ay naga caawin karto dhameynta rabshdaha dalkeena ka socda, Israel waxay noo furi kartaa albaabo badan sababtoo ah saameynta ay ku leedahay dunida. Waxaan aaminsanahay in xiriir aan la yeelano Israel ay ahayd in mar hore la aas-aaso” ayuu yiri.

Soomaaliya iyo Israel weligood xiriir ma yeelan. Villa Somalia ayaa markii la eryey Cabdullaahi Dool sheegtay inay Sooomaaliya iyo Israel uusan marnaba xiriir dhex-mari doonin inta Israel ay haysato dhulka Falastiiniyiinta.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...