War Deg Deg Ah Dhagayso:Dawlada Soomaaliya Ka Digtay Khatarta Go aan Puntland Ku Dhawaaday,

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Sanadkaan Puntland ay diidday ka qeyb-galka Imtixaannaadka guud ee dowladda, kaas oo ay qaado Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

HALKAN KA DHAGAYSO

Waxa uu sheegay Wasiirka in Puntland iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay ka dhaxeysay dood dheer taas oo keentay in Puntland ay diido ka qeyb galka imtixaanka,waxaana waalidiinta iyo ardayda uu uga digay inay dhibaato ku keento.

Madaxda Puntland ayuu sheegay in uu uga digay inay go’aankaas gaaraan,waxaana uu sheegay inay isku tashadaan madaxda Puntland maadaama ay go’aankaas diidamada ah wada gaareen.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sanad walba waxa ay qaadaa Imtixaanka dowliga ah ee Dugsiyada Sare taas oo Shahaadooyin ay ku qaataan ardayda Sanadakan ka qalin jebineysa dugsiyada Sare ee dalka.