600 Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Saqdii dhexe waxaa Gudaha dalkaasi ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u taga dalkaasi koonfur Afrika, iyaga oo sidoo kale dhaawacay mid kale.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay ayaa waxaa  lagu Magacaabi jiray Muqtaar Cumar,waxaana lagu dilay Magalada King Willaims town oo hoostagta Eastern Cape Ee dalkaasi Koonfur Afrika,waxaana xilliga la dilayey uu ku sugnaa goobtiisa Ganacsi.

Kooxdii Burcada Koonfur afrikanka aheyd ee dilka u geysatay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay qaateen lacag u taalay Goobtiisa Ganacsi, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Dhinaca kale Burcad Koonfur afrikan ah ayaa weeraray goobo Ganacsi ay Soomaali leedahay oo ku yaalla Xaafada Mayfair Magaalada Johannesburg,waxaana ay dhaawaceen Muwaadin soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Ismaaciil, iyaga oo sidoo kale boobay hantidii taallay Goobhtiisa Ganacsi.

Dalka Koonfur afrika ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka jiray culeys dhinaca Amniga ah oo soo wajahay soomaalida,isla markaana dukaanadooda la boobayey,waxaana xusid mudan in Habeen ka hor isla dalkaasi Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Nuur Dheere.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...