Safaarada Soomaaliya ee Khartoum ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sudan ugu baaqday iney taxadar dheeraad ah muujiyan kana fogaadaan goobaha ay ka socdaan mudaaharaadyada maadaama dalka Sudan uu saakay galay xaalad cusub.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

”Iyadoo la tixgalinayo xaaladda ka taagan dalka Suudaan, waxa ay ugu baaqeysaa Safaaradda JFS ee Khartoum guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, ayna ka fogaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan’

‘Wixii xaalad deg deg ah ee idin lasoo gudboonaata, fadlan nagala soo xiriira lambarrada hoos ku qoran:’
+249-966233354.
+249-967375947.

Khartuum, Abriil 11, 2019.

“DHAMMAAD”