Khartuun {Khaatumonews }Wararka ka imaanaya magaalada magaalada Khartuum ee dalka Sudan ayaa sheegaya in xiisad ay saaka ka taagan magaalada, iyadoo ciidamada Meletariga ay la wareegeen xarumo Muhiim ah.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Ciidamada Melatariga dalka Sudan ayaa la wareegay xarunta Taleefishinka Qaranka iyo Raadiyaha dowladda, waxaana ay xaalada u muuqataa in Afgambi lagu sameyn rabo madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Meletariga ay madaxtooyada ku xanibeen madaxweynaha Sudan Al Bashiir, waxaana ay ku sugan yihiin madaxtooyada magaalada Khartuum.

Xaalada ayaa u muuqata mid ay iska war hayaan ciidamada maletariga iyo Nabad Sugidda Sudan, waxaana sidoo kale la xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum, iyadoo aysan jirin dhaqdhaqaaq diyaaradeed oo garoonka ka socda.

Lasoco Wixii Soo kordha Khaatumonews