600 Deg Deg Daawo Video:Qudbadii Madaxweyne Farmaajo Ka Jeediyay sanad Guuradii Ciidanka Qaranka | KHAATUMO NEWS

Warning: Use of undefined constant newstheme_menucat - assumed 'newstheme_menucat' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/assets/dropdown.php on line 3
dahabshiil

Warning: Use of undefined constant newstheme_activate - assumed 'newstheme_activate' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 2

Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21

Deg Deg Daawo Video:Qudbadii Madaxweyne Farmaajo Ka Jeediyay sanad Guuradii Ciidanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda oo maalinta berri ah u dabbaal-degaya sannad guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha oo munaasabadda xuska maalintan kaga qayb galay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in si dardar leh ay u socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday tirakoobka, tayaynta iyo taageero u raadinta ciidanka.

Haddii aan helno tayada iyo tirada ciidanka, haddii aan helno tirakoob sax ah, waxaan heleynaa taageerada caalamka iyo taageerada shacabka, Shabaabna hal maalin ma istaagi karaan oo waa xaqiiqo, hal saacad ma wajihi karaan Ciidamada Qalabka sida.”

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in niyad dhiska iyo garab istaagga ciidanka iyo in ay hoggaan fiican helaan ay ku xiran tahay guusha laga filan karo, wuxuuna ku ammaanay taliyeyaasha ciidamada in ay wax badan ka qabteen dib u habeynta hannaanka loo maamulo dhaqaalaha ciidanka, lana sameeyay nidaam ay si toos ah ugu heli karaan xuquuqdooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in cadowga argagixisada ah ay ka dulqaadaan dadkeenna, kana xoreeyaan dalka, arrintaasna ay Dowladdu ka leedahay qorshe cad oo muddo la diyaarinayey.

“Ciidanka waxaan u tababareynaa qaabka ay u dagaallamaan, waxaana hubaa muddo yar oo kooban in aan ka adkaanayno, sidii hore ee aan ula dagaalayney Xamar markii laga bixinaayay sax bay ahayd, maxaa yeelay iyaguna dhufeysyo ayay ku jireen, innaguna dhufeysyo laakiin hadda qaab ka duwan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayay u dagaallamaan, marka waa in loo helo ciidan noocaas u tababaran.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kaalintii ay ku lahaayeen gobonnimo doonka Qaaradda Afrika, iyaga oo door muuqda ka qaatay dhismaha ciidamada dalalkii xilligaas duruufaha adag ku jiray.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey saraakiishii soo hoggaamisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed doorkii ay ka soo qaateen tayeynta iyo kor u qaadista sumcadda uu leeyahay ciidankeennu, isagoona ku saraakiishaas, inta haatan ka joogta, ku dhiirrigeliyay dardargelinta kaalinta ay ku leeyihiin dib u dhiska ciidanka.


Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Loading...

Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86

Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo:-Faysal cali Waraabe afka furtay
- Mar 1, 2021
https://youtu.be/YMAwC1iPVJA
Deg Deg Daawo:Mareykanka Oo Xayiraad saaray dhaxal sugaha Sacuudiga
- Feb 27, 2021
Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee ...
Daawo: Prof Buuba Oo Hargaysa Kaga Dhawaaqay in Somalia Aan la kala jari karin
- Feb 27, 2021
"Soomaaliya ma kala go'i karto,." Prof Buuba oo Hargeysa kula hadlay saxaafadd Dr. Ismail Hurre ...
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...