DAAWO::-Axmed Ismacil Samatar Oo cabashadii cali khaliif Oo kale ka Bilaabay Hargaysa

Hargaysa{Khaatumonews} Kulan looga hadlayey Dhibaatada Qabyaaladda oo lagu Qabtay magaalada Hargeisa, ayaa waxaa ka Qayb galay Aqoonyahano iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

HALKAN Ka DAAWO………

Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay Saamaynta ay Qabyaaladu ku yeelatay Horumarka iyo Cadaaladda, Wuxuuna sheegay inay Abuurtay dad dan yar oo shaqsi ah wata, oo uu Somaliland ku arkay, Wuxuuna sheegay inay Arintani tahay mid Naafanaysa maamulka Somaliland.

Muuse Biixi ayuu ugu baaqay inuu wax uga Qabto si Cilmiyaysan oo Geesnimo ay ku jirto.

Prof. Samatar ayaa sheegay in Heshiiskii uu la galay Madaxwayne Muuse Biixi, Wuxuuna sheegay inaysan dhanka Muuse Biixi ka hirgelin, Isagoo Tusaalle usoo qaatay Qaabka loo dhisay Xukuumadda oo dhaliilay.

Sidoo kale wuxuu ka hadlayey Baarlaanka Somaliland oo ka kooban 82 Xildhibaan, Wuxuuna xusay in 56 kamid ah ay yihiin Isaaq, Halka 26 ay yihiin dadka kale , Sidee lagu Xalaalayn karaa marka Somaliland. ? Ayuu is waydiiyey