Ugu yaraan 4 askari ayaa ku dhaawacmay qarax oo caawo lala eegtay ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland xilli ay marayeen bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Jugta qaraxa iyo rasaas xooggan ayaa laga maqlay gudaha magaalada iyadoo jaah-wareer iyo kala carar ka dhashay nawaaxiga wax ka dhaceen sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa warbaahinta khaatumonews u sheegay in ciidanka qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwa roonda ka samaynayey gudaha magaalada si ay u xaqiijiyaan amniga.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in aan weli cidna loo qaban qaraxa balse ay ciidanku halkaasi ka wadaan hawlgallo baaritaan ah.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay weerarkan inkastoo qaraxyo noocaan oo kale ah ay Boosaaso ka geystaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.