Waxaa soo dhammaaday kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo inta badan Madaxda iyo Agaasimayaasha Warbaahinada madaxa banaan ee Soomaaliya gaar ahaan kuwooda Muqdisho.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Kulankaan oo ahaa mid aad loo sugayey natiijada kasoo bixi doonoto ayaa ugu dambeyntii waxaa la isku afgartay in Saxaafadda loo ogolaado Kulamada Baarlamaanka marka laga reebo Kulanka Su’aalaha lagu waydiinayo Madaxda Amniga

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ayaa isku afgartay in la ilalaiyo habsami u socodka kulamada Baarlamaanka, lagana fogaado wax kasta oo qalqal gelin kara kulamada, waxaana arrintaan loosoo bandhigay Saxaafadda oo loo sheegay inay ku shaqeeyaan sida Guddoonka iyo Xildhibaanada ay ku heshiiyeen.

Kulamo labadii maalmood u socday Guddoonka iyo Xildhibaanada ayaa la isku afgartay in Doodii ku saabsaneyd arrimaha Amniga laga hadlo maalinta Sabtida ee soo socota, Warbaahintana goobjoog ka noqoto, waxaana maalintaas kaliya la dhageysan doonaa khudbadaha Xildhibaanada iyo Fikaradaha ay ka qabaan Xaaladda Amni ee dalka.

Xildhibaanada iyo Guddoonka ayaa sidoo kale ku heshiiyey in Maalinta xigta ee Axada loo yeero Taliyeyaasha iyo Wasiirada, si ay uga jawaabaan su’aalaha amniga la xiriira, iyadoo aanay warbaahinta goob joog ka noqon doonin, waxayna u muuqataa inuu fulay qorshihii ay Xukuumadda ka laheyd kulankaas oo ahaa inaysan Shacabka ogaan Fashilka dhanka Amniga ah ee Dowladda sidoo kalana aysan hadalo is khilaafayo ku hadlin Hey’adaha Amniga.

Xildhibaanada intooda badan ayaa ka hor imaaday qorsho maalmahaan la waday oo ahaa in guud ahaan Warbaahinta laga mamnuuco kulamada Baarlamaanka balse dood dheer kadib oo ay yeesheen Xildhibaanada iyo Guddoomiyaha waxaa lagu heshiiyey in Warbaahinta loo ogolaado qeyb kamid ah Kulanka Amniga oo loo kala qaaday Dooda Amniga iyo Su’aalaha Hey’adaha Amniga.

Xildhibaanada ayaa Guddoonka usoo jeediyey intii Saxaafadda laga mamnuuci lahaa Kulamada Baarlamaaka taas badeelkeeda warbaahinta la siiyo wax muujinaya calaamadahooda, kaarar aqoonsi la siiyo iyo in amarada iyo shuruucda golaha ilaaliyaan.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qaar ka tirsan Qodobada lagu heshiiyey

  1. In wariyaasha imaanaya golaha shacabka ay Soo xirtaan jaakado ay ka muuqato warbaahinta ay ka socdaan calaamadahooda iyo magacyadooda.
  2. Inay Saxaafadda ilaaliso amarrada iyo shuruucda golaha Shacabka.
  3. In Baarlamaanka uu Wariyaasha Saxaafadda ka socdo siiyo Kaar Aqoonsi ah oo ay xiran doonaan inta ay socdaan Kulamada Baarlamaanka.