Ciidamo Kumaandos Soomaali ah oo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamadan oo tiradoodu ku dhowdahay 300 askari ayaa waxay soo dhammeysteen tababar muddo badan uga socday dalka Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Milateriga iyo saraakiil sare.

Wasiirka Gaashaandhiga oo hadal kooban u jeediyey ciidamadan ayaa sheegay iney sugeyso waajibaad culus oo ah sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen sugida amniga dalka, wuxuuna u mahad celiyey dowlada Turkiga oo ciidankan siisay tababar casri ah.