Magaalada Hargeysa Waxaa lagaga dhawaaqay Gudi weyne loogu magac daray “Harti Waqooyi “ Waxaa Gudoomiye loo doortay Cali Khaliif Galaydh, Gudoomiye Kuxigeen Cadami halka Xoghayaha guud loo doortay Xasan Cumar Hassan Horri

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Gudida ayaa ka dhalatay dhawr arrimood; kasokow Somalilandta halka qoys isku haystan iyo tirsiga wax wada lahaasho li’ida.

Golahan cali khaliif Looga Dhigay Gudoomiyaha ayaa Sheegay in sababka Ka danbeysa Samayntiisa ay tahay Qodobadan Hoos Ku qoran

1: Ciidamada lageeyey Deegaanka Yubbe oo lasoo xaqiijiyey inay tahay ujeedkoodu Carqalad labbada Kornayl Muuse iyo Kaahin ay ku doonayaan in lagu Carqaladeeyo Wadada Ceeldaahir oo hadaaftimo soo dhaaftay, sigobolka Sanaag go’doonkiisa ugu sii jiro.

2: Mashaariicdii Sanduuqa SDF in kabadan 100 Mln oo dollar oo keliya lagu koobay gobolada galbeedka gaar ahaan Hargeysa.

3: Madaxweyne Biixi oo labba sannadood oo isku xiga lacagtii miisaaniyada ugu jirtay Sool iyo Badhan oo Sannadkiiba 6mln ahayd lunsaday, lana garanayn meel ay ku dambaysay, sannadkii 2018 keliya ayuu Madaxweynuhu sheegay lacagtaasi inuu Masaajid ku dhistay.

4: Furista Dastuurka oo ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay tijaabo lagu xaqiijinayo wax ma lawada yeelanayaa.

5: Tirada Beesha Isaaq ku leedahay Xildhibaanada Baarlamaanka in mid leeg Harti waqooyina ku yeesho.

Shirar ayaa socda rajada ah in doorasho dhacdaana waa sii adkaanaysaa.

Somaliland xiliga la doonayo in doorasho dhacda Deeganadaasi aynu soo sheegnay waxaa laga ridaa rabshado iyo dagaalo; taasoo haatan la ogaaday inay tahay, qorshe kutalogalkiisu yahay siddii aan bulshadaasi awoodooda shacab waxba ugu goosan karin, saamigooduna u ahaan lahaa is xambaar iyo hadba wasiir amma labba layska siiyo.

Waxaa Qoray : Cabdirisaaq Terra