Deg Deg Daawo:Isimadii Warsangeli Oo Hargaysa Iska Dhiibay iyo Halista Puntland Loo Soo Maleegaayo

Burco{ Khaatumonews }Waxaa magaalada Burco lagu soodhaweyay ku dhawaan wefti gaadhaysa 30 Qof oo isugu jira isimo cuqaal iyo waxgarad kana soo kicitimay magaalooyiinka Badhan,Dhahar.Ceelaalyo Xiingalool iyo deegaano kale oo kamid ah Deegaanada Beesha warsangali.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Weftigan qorshaha socdaalkooda ayaa ah marti qaad ay ka helen Hogaamiyaha maamulka Hargaysa Muuse Biixi cabdi.

Xogta Socdaalkan odayaasha ayaa ah sidii ay kaalin uga qaadan lahaayen odayaasha warsangali Sidii maleeshiyada somaliland ay ku tagilahaayen Deegaanada Badhan ,Dhahar Xiingalool iyo deegaano kale oo badan oo hada gacanta ugu jira puntland,

Socdaalka odayaashan Ku wajahan Hargaysa ayaa dhabar jab ku ah puntland iyo xukumada cusub ee madaxweyne Deni iyadoo durba maamulka madaxweyen Deni u muuqdo mid ku fashilmi doona sii haysashada deegaanada Warsangali iyadoo hore sidan oo kale ay gacanta uga bexen sool iyo deegaano cayn kamid ah,

Cuqaashan ayaa u badan kuwo hore puntland ugu ahaa laf dhabar balse ay siyaasadi kala irdhaysay kuna kala irdhooben xulistii xidlhibaanadii xukumada Deni