600 Deg Deg:Muuse Biixi Oo Is Dhiibay iyo Abiy Axmed Oo Sugaya Jawaab, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Muuse Biixi Oo Is Dhiibay iyo Abiy Axmed Oo Sugaya Jawaab,

Addis Ababa{ Khaatumonews }Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa ka war sugaya Midowga Yurub, si uu billaabo qorshaha uu ku heshiisinayo maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Toddobaadkii tagay, wafdi ka socda dhowr dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa tagay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay wada-hadallo kula yeesheen Muuse Biixi Cabdi, oo ay kala hadleen qorshaha horey loogu sii wadi karo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Wafdigan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dadaalka uu Abiy Ahmed ku dhex-dhexaadinayo Somaliland iyo Soomaaliya, si taasi ay u xoojiso nabadda Geeska Afrika.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen KHaatumonews , wada-hadallada ayaa si rasmi ah u billaaban doona marka Midowga Yurub ay go’aamiyaan, islamarkaana ay taageeradooda ku biiriyaan.

Wafdiga Yurub ayaa la filayaa in Abiy Ahmed ay warbixin ka siiyaan wixii ay kala soo kulmeen Musue Biixi, waxaana wararku sheegayaan in Biixi uu u sheegay inuu diyaar u yahay wada-hadallada.

Muuse Biixi ayaa horey wada-hadal uu la furo dowladda Soomaaliya ku xiray shuruud ah in beesha caalamka ay damaanad qaado, isaga oo dowladda federaalka ku eedeeyey in marar badan ay dhinac martay wada-hadallada, kuna kacday “falal Somaliland ka dhan ah.”

Muuse Biixi ayaan sidoo kale ku qanacsaneyn in wada-hadallada ay dhex-dhexaadiso oo kaliya dowladda Turkiga, oo uu ku eedeeyey inay u janjeerto dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...