Deg Deg:Hargaysa Toogasho Ka Dhacday,

Hargaysa{Khaatumonews}Warar ay helayso Shabakada Khaatumonews.com ayaa sheegaya in magaalada Hargeysa uu maanta nin hubeysan ku toogtay qof rayid ah.

Toogashadan ayaa ka dhacday Xaafada Siinay ee Degmada Axmed Dhagax. Qofkan la toogtay ayaa lagu sheegay magaciisa Mahad Sool Ducaale.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in qofkan la toogtay uu dilay nin ay isku hayb-yihiin, isla markaana la sheegay inuu yahay Askari katirsan Ciidanka RRU-da Ee maamulkaasi Somaliland.

Ninkan dilka geystay ayaa isla markiiba ka cararay goobta, sida ay u sheegen dad goob-joog ahaa. Khaatumonews.com