Xildhibaan Axmed Macalin fiqi oo kamid ah barlamaanka soomaaliya Qeybta aan Taageersanen Nabad iyo Nolol ayaa Jawaab adag ka bixiyay hadalkii Xildhibaan Goodax barre Ee uu ku Tilmaamay alshabab Xildhibaanada Mucaaridka ee dawlada Fadraalka.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Fiqi oo ka Bixinaaya Jawaab adag ahdalkaasi ayaa yidhi”Wasiir C/hi Goodax Barre horey waxa uu ugu faanay In uu Farmaajo u dhiibay kalimadii aheyd “siyaasiyiinta xanaaqsan” Maantana wuxuu marayaa In hadaladaas gefka ah uu xildhibaano saaxiibadiis oo ka aragti duwan uu isticmaalo..

‘Inuu gef weyn gesytay ka Sokow wuxuu qiimo aysan lahayn u yeelay shabaab, ka dib markii uu ku tilmaamay xildhibaanada xukuumadda fadhiidka ah ee uu ka tirsan yahay ka fikirka duwan, Goodax haddii uu barlamaanka shabaab u yaqaanno, ma ahayn inuu laba sano dhexfadhiyo mar hore ayey aheyd inuu sheego kana cararo, laakin shabaab ayaan Shir jaraa’id ku ag qabanayaa wac horey loo Soo arkay maahan, haddiise xukuumaddiisuna ay Warkaas la qabto waxa muuqata inaanan isku alshabaab ahayn!’

Barlamaanku go’aandiisa ha u madax-banaanaado, isla xisaabtan dhab ah xukuumadda halala galo, haddii shabaab lagu noqonayo waa nasiibdarro iyo habdhaqan cusub oo siyaasadda ku Soo biiray.

Qaran dumis iyo siyaasiyiinta xanaaqsan ayay ku Soo bilaabatay, waxayna hadda maraysaa shabaab, Intaan oo qura ayaaba ah dhaqanka shabaabka. Si kastaba ha ahaatee hadalka aan laga fiirsan ee Goodax Barre uu ku hadaaqay waa lagula xisaabtamayaa, mana noqon doono mid iska gudba sida sharciga iyo xeerhoosaadka barlamaanka qabo ayaana loo raacayaa