Aaabbaha dhalay duuliyihi diyaaraddii Itoobiya ee burburtay oo BBC u warramay ayaa sheegay raalli gelinta ay shirkadda Boeing ka bixisay shilki diyaaradeed ee bishi hore dhacay ‘iney aad u yar tahay, ayna shirkadda raalli gelinta la soo daahday’.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Dr Getachew Tessema ayaa maalin kaddib marki ay shirkadda Boeing sheegtay inuu shilka diyaaradeed sababay habka duulista diyaaradda oo ay cillad ku timid la hadlay warbaahinta.

Maareeyaha guud ee Shirkadda Boeing ayaa sida oo kale sheegay iney ‘shirkaddu aad uga xun tahay dadki ku nafwaayey shilkii diyaaradeed’.

Diyaaradda Itoobiya ayaa bishii Maarso burburtay daqiiqada yar markay hawada ku jirtay iyada oo ka duushay garoonka caalamiga ee Addis Ababa waxaana ku dhintay 157 qof ee diyaaraddaasi saarneyd.

Si la mid ahna diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha ‘Lion’ oo laga lahaa dalka Indoneesiya ayaa iyaduna markay daqiiqado yar un hawada ku jirtay iyada oo ka duushay garoonka Jakarta buburtay shilkaasi oo ay ku dhinteen 189 qof oo diyaaradda saarnaa.

Natiijada hordhaca ah oo Khamiistii ka soo baxay guddigi baarayey shilki diyaaradeed ee Itoobiya ka dhacay ayaa muujinaya inuu shilka uu sababay habka duulista ee MCAS cillad ku timid.

Waxay sida oo kale guddigu sheegeen inuu duuliyaha diyaaradda uu cilladda diyaaradda ku timid laanta duulista uu ku soo wargeliyey talooyinka la siiyey oo dhanna uu raacay balse ay ka badbaadinin shilka diyaaradda inuu dhaco.