Waa wiil Soomaaliyeed oo reer Hargeysa ah, hase ahaatee, xilli xilliyada ka mid ah cumro u tagay xajka barakaysan ee Maka. Cumradaas uun kuma uu eekaan ee waayuhu waxa uu la kulmiyey gabadh Soomaaliyeed, oo halkaas uu tegey ku noolayd isku magaalana ay ka yimaaddeen. Inantii kalgacal ayuu u qaaday, oo kolkii uu Maka ka soo noqday kagama uu iman sidii uu ku tegey, ee waxa uu soo noqday isagoo soo cumraystay, asee tebeya waax ka mid ah, taas oo ah inantii ay halkaa isku barteen.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Aslanba, qiimaha shay weliba wuxuu ku xidhan yahay inta uu kuu jiro, ee aad heli karto. Haddii aad haysatidna, badanaa muhiimad saasa kuuma laha. Jacaylkuna waxaaba la sheegaa marka uu ugu daran yahay, inay tahay kolka labada qof kala fogaadaan, ee xuduudaha samayska ah iyo badda mawluhu ku kala badhay kala hor taagan yihiin ay aad iyo laxaad isugu hilloobaan.
Labadoodiiba aaladda internetka ayaa marin ay farriimaha iyo codadka isu mariyaan u ahayd, halkaas ayayna sidii kuwo wada jooga isaga warqabeen. Iyagoo jecaylkoodii iyo xidhiidhkoodii u socdo oo figta maraya, ayaa waa adduunyee wiilka aabbihii geeriyooday.
Waa aabbihiisii cumrada u diray, oo carruurta kalena ay isaga dhawaayeen. Geeridaasi waxay wiilka jacaylka la daranyaysnaa ku ahayd fallaadh waayuhu kusoo ganay, oo meel xun ka haleeshay. Isagoo geeridaas la daalaa dhacaya ayaa culays kale ugu biiray, naftii uu jeclaa ayaa maalin soo wacday oo u sheegtay in wadnuhu xanuunayo! Dhakhtar tag ayuu kula taliyey, dhakhtarkiina war wanaagsan ma sheegine, xaaladdeedii ayuu ka sii dayriyey oo qalliin ayuu xal uga dhigay. La qal se kuma ay ladnaan. Tirabana saddex qalliin ayay martay, iyadoo kii u danbeeyey la yidhi farsamo xumo qalliinnadii hore ah ayaa ku heshay, oo xiddida dhiigga ee wadnuhu ma shaqaynayaan, sidaa darteedna waa in tuunbooyin laguu geliyaa.
Sidaana xaaladdeedii ku sii xumaatay. Xanuunkeedu waxa uu kusoo beegmay xilli uu geeridii aabbihii iyana la murugaysan yahay, waxay wiilka ku ahayd buur labaad oo la korsaaray. Weliba marwalba waa ay iska warqabeen, iyadoo xidhiidhkoodii sii kordhay, oo nolosha danbe sida ay u kulmayaan iyo halka ay degayaan ay sii oddorasayeen.
Muddo waxay sidaa ku jiraan oo marba iska warhayaan, iyadoo xanuun la tacaalaysa, laftiisuna uusan wax badan badqabin ayaa war naxdin lehi uu soo gaadhay ‘inantii hebla way dhimatay’ ayaa dhabta loo saaray. Af-kalaqaad ayay wiilkii ku noqotay, waa adoo taadii awalba la ildarnaa, ilayska yaraa ee kuu ifayeyna ha kaa damo”
Qisadaas murugada leh, waxaa BBC-da uga warramay Maansayahan Cabdiraxmaan Axmed Cumar ‘haldhis’ oo ay saaxiib yihiin wiilka ay ku dhacday, ogaana intii ay inantu noolayd jacaylkooda, markuu saaxiibkii u sheegay inay hebli dhimatayna, isaguna maansadan soo socota ugu baroordiiqay qisadaas uu goobjoogga u ahaa, maansadana magaceedu waa Digrigii Xubbiga.
