War Deg Deg Ah:Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Somalia Lama Gacaabay iyo halkuu ka Soo Jeedo

Hargaysa{ Khaatumonews }Dowlada Soomaaliya ayaa goor dhow guddoomiye cusub u magacawday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo muddo sanad ah guddoomiye loo raadineyay.

Wararka ayaa sheegay in Golaha wasiirada Somalia ay nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi u magacaabeen inuu noqdo guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kasoo ku soo baxay xulis uu sameeyay guddi loo xil saaray arrintan.

Guddoomiyaha cusub C/raxmaan Maxamed ayaa la sheegay inuu ahaa la-taliyaha dhinaca dhaqaalaha ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo saaxiib dhow ay muddo ahaayeen, waana nin ka soo jeeda degaanada Somaliland.

Magacaabidan ayaa meesha ka saartay hadal heyn badan oo ku saabsaneyd in guddoomiyaha bankiga dhexe loo magacaabi doono nin ajnabi ah, markii baarlamanku ansixiyey sharci arintaas ogolaanaya.