War Deg Deg ah::Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Gaadhi Buuhoodle Ku Soo jeeday,

Hal Qof oo Gabadh Ah Ayaa ku dhimatey halka Ay Afar kalena ay dhaacmeen kadib markii Mid kamida Gadiidka yar-yar Ee Noohada Ee Ukala Goosha magaaloyinka Hargaysa Iyo Buuhodle uu ku dhacay aga-gaarka Deegaanka xamaas ee Gobolka saaxil.

Gaadhigan oo saaka kasoo baxay Hargaysa una sii jeeday dhankaas iyo magaalada buuhodle ayaa isagoo ku guda jira safarkiisa Ku dhacay duleedka deeganka xamaas.

Khadka telefonka oo aan kula xidhidhay mid kamida dadkii usoo gurmadey gaadhiga ayaa waxa uu ii sheegay in Dhaawacii loo qaadey Magaalada hargaysa si xaaladooda lagula Tacaalo.

Khader Cabdi riigle iyo Abdiraxman Maxaed Axmed oo ahaa darawalka Gaadhiga Dhacay ayaa la ii sheegay in ay hiyiin dhaawac culus.

Marxuumda DHimatay Farxiya cumar mahdiĀ